https://www.premierbank.so/

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 13 qof oo cusub laga helay 24-kii saacadood ee u danbeeyey xanuunka Coronavirus, kadib baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyey 59 qof.

Dr Xuseen oo kamid ah masuuliyiinta wasaarada caafimaadka Somaliland soona bandhigayay warbixintii u danbaysay ee xaaladda dalka iyo Coronavirus ayaa sheegay in aanay jirin cid u geeriyootay xanuunkan 24-kii saacadood ee u danbeeyey. Waxaana uu xusay in xanuunku uu si xawli ah ugu faafayo gudaha dalka.

Dr Xuseen oo Arbacada maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu xusay in sidoo kalena ay karantiil ku jiraan 20 qof.

Dr Xuseen waxa uu sidoo kalena sheegay in maalmihii u danbeeyey tirada dadka laga helayo covid19 ay soo yaraanayso balse uu wali jiro faafitaan xawli ah. Waxaana uu bulshada ugu baaqay inay qaataan fariimaha wacyigalinta ah ee ay ka wasaarad ahaan la wadaagaan kuna dadaalaan inay kala fogadaan

https://www.premierbank.so/