https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Caafimaadka Dalka Jabuuti ayaa Diwaan Galisay Tirada Dadkii ugu badnaa ee uu Halaleelo Xanunka Covid 19

Dhacaysay Balse Tiradani la Diwaan Galiyey Shalay oo Isniina ayaa Sheegaysa Tirada Kor u kaca Xanuunka Dadka uu Haleelayo gudaha Dalkaasi Jabuuti.

Xog hayaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti  Dr Saalax Benoyta waxa uu Tillmaamay in Baadhis ay u Sameeyeen Dad Gaadhaya 815 Qof kuwaasi oo Laga eegayay Calamadaha Xanuunka Covid 19.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in Baadhistaasi ay u Sameeyeen tirada 800 boqol kor u dhaafaysa ay si rasmi ah calaamadaha Xanuunka Covi19 ka helaan Tiro dad oo gadhaysa 117 Qof kuwaasi oo dhamaantood haatan ku jira Gacanta Wasaaradda Caafimaadka isla markaana ay Dawladu Gaysay Goobaha Karantiilka.

Xog hayaha Guud ee Wasaardda Caafimaadka Jabuuti waxa uu sido Kale Shaaciyey in ay Xanuunkani u Dhinteen Tiro Dada oo gaadhaya Sadex Qof oo Cusub kuwaasi oo Tirada Dhimashada Dalka Jabuuti ka Dhigaya 7 Qof oo uu sahayday Cudurka COvi19.

Guud ahaan Tirada Dadka laga Diwaan galiyey ee uu ku Dhacay Xanuunka Corona Vires ayaa Dalkaasi Jabuuti Ka Maraya 1518 Qof.

 

https://www.premierbank.so/