https://www.premierbank.so/

Warbaahinta & Ololaha Wacyigelinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Arimaha Dastuurka, ayaa qabaneysa kulanka ololaha wacyigalinta ee geedi socodka dib u
eegista Dastuurka Qaranka, kaasoo ku qabsoomaya Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed,
Soomaaliya.

Munaasabadan lagu qabanayo magaalada Baydhabo ayaa qayb ka ah olole heer qaran ah oo lagu wacyi
gelinayo bulshoweynta kaas oo lagu qabanayo dalka oo dhan, waxuuna ka kooban yahay shirar wada
tashi iyo kulammo wacyigalin ah.

Waxaa qayb ka ah dhamaan noocyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda,
iyada oo ujeedku yahay in la helo isku xirnaan iyo in dastuurka lagu daro aragtiyo kala duwan, figrado
iyo khibradaba.

Xubnaha warbaahinta waxaa lagu casuumay Hoteelka Horyaal si ay uga qeybgalaan oo ay kaga
warbixiyaan howsha halkaa ka socota. Ololaha Wacyi-gelinta Dadweynaha waxaa soo saaray oo
gacanta ku haysa Wasaaradda Arrimaha Dastuur (MoCA), oo la kaashanaysa Guddiga Madaxa-bannaan
ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyo Guddiga Kormeerka Baarlamaanka (OC), waxaana
dhaqan gelinteeda si dhow loola kaashanayaa wasiirrada dastuurka ee Dowlad goboleedyada. Qaar ka
mid ah mowduucyada laga doodayo inta lagu gudajiro shirkan wacyigalinta dadwaynaha waxaa
kamida:

⬧Jinsiyadda⬧ Awood Qeybsiga⬧ Qeybsiga Kheyraadka⬧ Cadaaladda⬧ Baarlamaanka⬧ Fulinta⬧ Noocyada
Dowladda⬧ Doorashada⬧ Shaqaalaha Rayidka⬧ Dhaqaalaha guud⬧ Dowladda Dhexe, Maamul
Goboleedyada iyo Maamullada Degmooyinka⬧

https://www.premierbank.so/