Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah.
Hawl galkan oo ka dhacday Deegaanka indho biraale Degmada saylac, waxa muddadii uu socday, kooxdan budhcad ahi ay iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka ee waajibaadkooda sugida amniga ku guda jiray.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo gabtaan xubno ka mid ah budhcadihii falkaas geystay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen.
Hawigalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddu ku dhintaan
iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka.
Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba.






