Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta soo gaadhay muuqaal cabasho ah oo ay soo gudbiyeen qoys degan magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka cabanaya falal ay ku eedeeyeen Ganacsade iyo xubno ka tirsan Ciidanka Booliska.
Iyadoo la ixtiraamayo sharciga iyo habraacyada shaqo ee Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu si xushmad iyo tixgelin leh uga codsanayaa qoyskaasi cabashada gudbiyey in ay yimaaddaan Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu mar kale xaqiijinayaa in uu ka go’an yahay ilaalinta sharciga, xaqsoorka, sharafta iyo badqabka muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.






