https://www.premierbank.so/

Waa maxay muhiimada greenland?

Greenland waa jasiiradda ugu weyn dunida, iyadoo dhulkeedu gaarayo inkabadan 2 milyan oo kiiloomitir oo laba jibbaaran, halka dadka ku nool ay ka yar yihiin 60 kun oo qof. Inkastoo ay dad yar yihiin, Greenland waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee istiraatiijiyadda caalamiga ah.

Muhiimadda Greenland kuma eka oo keliya goobteeda u dhexeysa Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, balse waxa sii kordhinaya khayraad dabiici ah oo aad u qaali ah. Jasiiraddu waxay hodan ku tahay macdanaha naadirka ah oo ay ka mid yihiin Lithiyam, Kobalt, iyo qaar kale — kuwaas oo laf-dhabar u ah tignoolajiyada casriga ah, sida talifoonada gacanta, baabuurta korontada ku shaqeysaa, qalabka difaaca, iyo tamarta nadiifta ah.

Greenland sidoo kale waxaa laga helaa uranium, zinc, dahab iyo shidaal aan weli si buuxda loo qodin. Khubaradu waxay sheegayaan in barafka oo ka yaraanaya woqooyiga adduunka uu sahli karo helitaanka khayraadkan, taasoo ka dhigaysa Greenland bartilmaameed ay si gaar ah u danaynayaan Maraykanka, Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Maraykanku wuxuu u arkaa Greenland fure muhiim u ah yareynta ku-tiirsanaanta Shiinaha ee macdanaha naadirka ah, maadaama Shiinuhu haatan gacanta ku hayo inta badan suuqyada macdantaas. Sidoo kale, Greenland waxay martigelindoontaa saldhig milatari oo Maraykan ah oo muhiim u ah la socodka gantaallada iyo amniga cidhibka woqooyi ee dunida.

Isku geynta goob istiraatiiji ah, khayraad dabiici ah, iyo tartanka quwadaha waaweyn ayaa Greenland ka dhigay mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan siyaasadda caalamiga ah maanta.