https://www.premierbank.so/

Waa la tagi karaa Jubbaland, Gudoomiyaha Guurtida Somaliland

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa mar kii ugu horaysay si kooban uga hadlay go’aanka muranka siyaasiga ah abuuray ee xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo xisbiga UCID ku doonayaan in ay ka qaybgalaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dawlad-gobaleedka Soomaaliya ee Jubaland.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo Sabtida 5-ta Octoobar hadal kooban siiyey talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA ayaa sheegay in aanu xaaraan u arkin ka qaybgalka caleemasaarka madaxweynaha dib u doorashadiisu khilaafka abuurtay ee Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka somaliland oo uu ka mid yahay isla golaha Guurtida ee uu guddoomiyaha ka yahay mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, xisbiga waddani iyo siyaasiyiin kale ayaa iyagu sharci darro iyo qalad siyaasi ah ku tilmaamay in xildhibaanno ka socda goleyaasha Somaliland ay ka qaybgalaan munaasabaddaas.

Doorashada uu ku guulaystay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muran ka dhex abuurtay isaga iyo dawladda federaalka Soomaaliya ee ay Jubaland qaybta ka tahay, taas oo abuurtay in ay Filla Soomaaliya diiddo in ay aqoonsato sharciyaddiisa madaxweynenimo, beesha caalamka ayaa iyaduna qaadacday geeddigii doorasho ee uu mudane Axmed Madoobe ku guulaystay.

https://www.premierbank.so/