https://www.premierbank.so/

Ururka saxafiyiinta somaliland ee SOLJA waxa uu ku baaqayaa in la ixtiraamo diinta, dhaqanka iyo anshaxa guud xiliga war tabinta

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si dhow ula socdaa korodhka dhalinyarada iskood wax u duuba (Citizen Journalists) ee ku hawlan duubista iyo baahinta ra’yiga bulshada, kuwaas oo door muuqda ka qaadanaya gudbinta aragtiyaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda ka jira.
Ururku waxa uu aaminsan yahay in xorriyadda hadalku tahay xaq dastuuri ah oo aasaas u ah dimuqraadiyadda, isla markaana ay lagama maarmaan u tahay horumarka iyo isla xisaabtanka bulshada. Si kastaba ha ahaatee, xorriyadda hadalku ma aha mid aan xad lahayn, balse waxaa la socda mas’uuliyad bulsho, anshax iyo ixtiraam qiyamka diinta iyo dhaqanka suubban ee bulshada Somaliland.
Ururku waxa uu ka walaacsan yahay in ay mararka qaarkood soo baxaan muuqaallo ama hadallo Lid ku ah diinta Islaamka, kana hor imanaya dhaqanka iyo anshaxa dadkeena isla markaana Kicin kara nacayb, kala qaybsanaan ama dhaawici kara wada noolaanshaha bulshada
Ururka SOLJA waxa uu caddaynayaa in dhalinyarada iskood wax u duuba (Citizen Journalists) iyo kuwa content creators-ka. aysan ahayn weriyeyaal xirfad leh oo hoos yimaada ururka saxaafadda, sidaas darteedna ujeeddada ururku ma aha cabudhin ama xanibaad, balse ay tahay wacyigelin, hagid iyo wadahadal furan.
Ururka Saxaafadda Somaliland waxa uu:

  1. Ku baaqayaa in la ixtiraamo diinta, dhaqanka iyo anshaxa guud marka la duubayo ama la baahinayo ra’yiga bulshada.
  2. Waxa uu xasuusinayaa in hadalka iyo muuqaalka la baahiyo ay leeyihiin saamayn bulsho oo togan ama taban.
  3. waxa uu ku dhiirigalinayaa in dhalinyarada ku hawlan warbaahinta casriga ah ay bartaan aasaaska anshaxa warbaahinta iyo mas’uuliyadda hadalka.
  4. Ururku waxa uu Diyaar u yahay inuu la furo wada-hadal iyo kulan wacyigelin ah dhammaan dhalinyarada ku hawlan hawlahan.
    Ugu danbayntii,Ururka SOLJA waxa uu mar kale adkaynayaa in xorriyadda hadalku tahay tiir muhiim ah, balse aan loo adeegsan karin hanaan wax u dhimaya diinta, dhaqanka iyo midnimada bulshada. Ururku waxa uu ku boorinayaa dhammaan dhalinyarada iyo bahda warbaahinta in ay noqdaan kuwo ka shaqeeya dhismaha, wacyigelinta iyo nabadda bulshada, iska markaana ka hortaga hadalada wax u dhimaya bulshada ama sawir khaldan ka bixinaya