Ugaaska guud ee beelweynta Biyomaal ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Somaliland
0 Comments
Ugaaska guud ee Beelweynta Biyomaal Ugaas Axmed Sayid Cali iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqasho ku jooga Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Weftigan ayaa hadhimo sharafeed loogu sameeyay Beerta Suldaan Cismaan Baane ee Hargeysa, waxaana kasoo qaybgalay qaar kamid ah madax dhaqameedka Reer Hargeysa.
Beesha Biyomaal oo ka tirsan Beelaha Dir ayaa deegaan ahaan u leh magaalada Marka, ahna magaalo madaxda gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya.

