https://www.premierbank.so/

Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi “Dabagale” ayaa shacabka Somaliland

ku amaanay qaabka fiican ee ay ugu hogaansameen fulinta go’aamadii dawladdu kasoo saartay dhaqdhaaqii dadka iyo gaadiidka mudadii labada cisho ahayd ee lagu jiray munaasibada Ciidal Fidriga.

Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland oo Isniinta maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in go’aamadaasi ay sidoodi u fuleen ayna ku amaanan yihiin shacabku. Waxaana uu xusay in ujeedada go’aamadaasi laga lahaa ay ahayd in la xakameeyo faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Taliye Dabagale waxa uu gaadiidka yaryar ee Takaasida ku eedeeyey in aanay badankoodu fulin go’aaadaasi lagana fiirsan doono,halka uu gaadiidka basaskana ku aamaanay sida ay ugu dhago nuglaadeen fulinta go’aamadaasi

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland waxa uu dhinaca kalena shacabka Somaliland ugu baaqay inay sii laban laabaan wada shaqayntii ka dhaxaysa ciidamada. Isaga oo tilmaamay in 6-dii bilood ee u danbeeyey ay aad u wanaagsanayd wada shaqaynta ciidanka iyo shacabku.

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamo dhawr qodob ka kooban oo ay soo saartay todobaadkii hore ayay ku sheegtay in la joojiyey isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee gobolada iyo degmooyinka dalka mudada labada maalmood ah ee munaasibada ciidda lagu jiro. Waxa se xusid mudan in shacabka magaalada hargeysa ay u baxeen goobaha banaanada ah si ay wakhti ugu soo qaatan.

https://www.premierbank.so/
preload imagepreload image