https://www.premierbank.so/

Taariikhda Bitcoin: Kor u Kacyo Taariikhi ah, Hoos-u-dhacyo Weyn iyo Safarkii Ay Ku Gaadhay Boqolaal Kun oo Dollar”

Bitcoin Lacag kasoo bilaabantay wax ka yar 1 Dollar maantana maraysa kumanaankun oo dollar!
Maxaadka ogtahay taariikhda Lacagta Bitcoin, Hoos udhacyadii waawaynaa ee ay Taariikhda wajahday iyo Halkii ugu saraysay ee ay abid gaadhay?
Maqaalkan waxaan idinkula wadaagaynaa warbixin gaaban oo si hufan u soo koobaysa taariikhda Lacagta Bitcoin laga soo bilaabo kor u kacyadii ay lacagtaasi samaysay, hoos u dhacyadii waaweynaa, illaa meesha ay maanta joogto.

Bilowgii Bitcoin — sannadkii 2009-kii:
Sanadkii 2009-kii, dunida waxaa kusoo biirtay Lacag cusub oo lagu magacaabo Bitcoin, taasoo uu hindisay qof ama koox aan la garanayn oo la magac baxday Satoshi Nakamoto. Ujeedadu waxay ahayd in la abuuro lacag aan lahayn dawlad, bangi ama cid dhexe maamusha — lacag dadka uun gacmahooda ku jirta, waxaana isticmaali jiray dad kooban.

Kor u Kacii ugu horreeyay ee samaysaa waxa uu ahaa sannadihii— 2011-kii ilaa 2013-kii:
2011, Bitcoin waxay gaadhay markii ugu horreysay qiimo dhan $1, taas oo ahayd tallaabadii ay kagasoo muuqatay warbaahinta caalamka.
2013, waxay gaadhay heer kale oo muhiim ah, waxaana qiimaheedu soo taabtay $1,000, iyadoo noqotay hanti ay indhaha dadku si wayn eegaan.

Hoos-u-dhacyadii Waaweynaa ee Taariikhda Bitcoin:
2011 – Hoos u Dhac Deg-deg ah ayay wajahday Bitcoin.
Waxay hal mar kasoo dhaqaaqday $32 waxaanay Hoos ugu dhacay $2 oo kaliya.
Sababta ayaa ahayd Suuqu wuxuu wajahay weerarro amni iyo burbur ku yimid Mt. Gox oo ahaa halkii ugu weynayd ee Bitcoin lagu kala iibsan jiray.

Marakale sannadkii 2014 –kii Burburkii kuyimid suuqa Mt. Gox
Waxa qiimaha Bitcoin uu kasoo dhaqaaqay $1,000 waxaanu soo taabtay $200
Hoos u dhacaa baaxadda leh waxa sababay markii suuqa Mt. Gox oo 70% ganacsiga Bitcoin maamuli jiray uu si lama filaan ah u burburay, taas oo ka dhigtay hoos u dhacii ugu saamaynta badnaa waqtigaas ku dhaca lacagtan.

Mid kale oo niyad jab xooggan reebay wuxu ahaa sannadkii 2018 – kii hoos udhigii loogu magacdaray “Jiilaalkii Crypto-tada”.
Markaa oo Qiimaha lacagta Bitcoin waxa uu kasoo dhaqaaqay $19,000 isagoo Hoos ugu dhacay $3,200 arrin walwal xooggan ku reebtay dadwayga haystay lacagtan Waxa la sheegay in Suuqii oo kor u kac aan caadi ahayn samaynayay uu hal mar qarxay, Mid kale ayaa ahayd in sharciyo adag ay dalal badani kusoo rogeen isticmaalka lacagtan, taas oo dhalisay cabsi maalgashadayaasha ku habsatay.

Haddana sannadkii 2022 –kii lacagta Bitcoin waxa ku yimid Hoos-u-dhac Caalami ah:
Waxaanu qiimaha lacagtu kasoo daatay $69,000 isagoo markan gaadhay qiimo naxdin badan oo ahaa $16,000 waaxana qofkii markaas haystay hal bitcoin uu maalmo gudahood khasaaray lacag dhan 53000$ Sababta ayaa ahayd Dhaqaalaha aduunka oo liitay, sicir barar sare, iyo burburkii ku yimid shirkado cryptada ka ganacsan jiray oo waawaynaa sida shirkaddii FTX.

Kor u kicii ugu waynaa ee Taariikhda ay samaysay Bitcoin:
6-dii bishii Oktoobar ee sannadkan 2025-ka, Bitcoin waxay soo taabatay qiimihii ugu sarreeyay ee abid oo ahaa Ku dhowaad $126,000 Tani waxay calaamad u noqotay kalsoonida sii kordheysa ee uu maalgashiga dhijitaalka ahi helay.

Meesha ay Maanta Joogo qiime ahaan lacagta Bitcoi:
Maalmo kadib Bitcoin waxay wajahday mid kamida hoos udhacyadii ugu waawaynaa eeku yimaadda, hadda Sida xogaha ugu dambeeya muujinayaan Bitcoin waxay maraysaa $91,000 Waa calaamad muujinaysa inay wali tahay hanti muhiim ah, inkastoo ay mar walba samayso koru kacyo-iyo-hoos udhacyo dadka qaar ay mahadiyeen qaarkalena ka niyad jabeen.

📌 Gunaanad
Bitcoin waa lacag soo martay waddo dheer oo ay ka buuxaan guulo lama filaan ah, hoos-u-dhacyo culus, iyo soo kabashooyin taariikhi ah,Waxay ka bilaabantay qiimo aan waxba ahayn… waxaanay gaadhay boqolaal kun oo dollar… waxaanay wali sii wadaa door muhiim ah oo uu ku leeyahay suuqyada maaliyadda casriga ah.