https://www.premierbank.so/

Suuriya maantoo kale Sanad ka hor waxa soo gabo gaboobey xukunkii Bashaar Al-Assad mudo 24 sanno ah.

Maantoo kale Sanad ka hor, mucaaradka Suuriya waxay ku dhawaaqeen dhammaadka xukunkii Bashaar al-Assad, iyagoo sheegay inay ka tuureen awoodda kadib markii ciidamadoodu xoreeyeen Dimishiq.

Assad, oo talinayay 24 sano kadib markii uu ku beddelay aabbihii Hafez Assad, ugu dambayn dalka ka ayuu ka cararay, taasoo si lama filaan ah u soo afjartay nus qarni ay qoyska Assad maamulayeen dalka, muddo ka yar labo toddobaad gudaheed.

Markii ay qabsadeen Aleppo, xoogagga mucaaradku si dhaqso leh ayey u qabsadeen Hama iyo Homs, ka hor intaanay gacanta ku dhigin caasimadda subax Axad ah — taasoo noqotay meel-marin cusub oo ku saabsan dagaalkii sokeeye ee Suuriya ka socday 14 sano, kaas oo ku dilay in ka badan nus milyan qof, kana barakiciyay ku dhawaad kala badh dadweynihii ka hor dagaalka.