https://www.premierbank.so/

Soomaaliya oo yeelatay dhisme Safaaradeed oo ku yaala Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Madaxweynaha ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda xadhig ka jiarddia waxa uu ku sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii safaaradeed ee ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.

waxa aanu jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka ku boorriyey in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay  in  dawladdu ay sida oo kale qorshaynayso in ay sidan oo kale u dhisto una dayactirto safaaradaha kale ee ay soomaaliya ku leedahay dalalka adduunka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta soomaaliya ee washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadka  soomaaliya ee ay mataaladdooda u joogaan, waxa aanu k uwargeliyey muhiimadda ay leedahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Munaasabadda xadhig ka jarista safaaradda waxa sida oo kale madaweynaha ku wehelinayey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirrrada arrimaah dibadda iyo maaliyadda soomaaliya iyo diblumaasiyiinta soomaaliya ee ka hawlgala dalka maraykanka.

https://www.premierbank.so/