Dawladda Soomaaliya ayaa danjiraha Kenya u jooga Soomaaliya u dhiibtay dhambaal diblumaasiyadeed ay ku diidan tahay xad gudub ay sheegtay in dawladda Kenya ay ku samaysay hawada Soomaaliya, kaddib markii diyaarad sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo toos uga soo duushay Nayroobi ay ku degtay magaalada Kismaayo iyada oo aan fasax ka haysan hay’adda maamulka hawada ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa khamiistii 10-ka Oktoobar u yeedhay safiirka Kenya Lukas Tumbo si ay ugu dhiibto dhambaal diidmo oo ka dhan ah diyaaraddaas 5-tii Oktoobar fadhiisatay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Toddobaad ka hor ayaa ay dawladda Soomaaliya waxa ay hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah ee ICAO (Ikaawo) u gudbisay dacwad arrintan la xidhiidha.
Dawladda Soomaaliya oo ka hortegeysay in dad muhiim ahi ay ka qaybgalaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha aanay aqoonsanayn ee Jubaland ayaa bishii Sabtembar soo saartay amar ay ku sheegayso in diyaaradaha ku socda garoonka Kismaayo ay marka hore fadhiistaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, muddo yar kaddibna waxa ay dawladdu mamnuucday gebi ahaanba in garoonka Kismaayo ay diyaaraduhu ku degaan, Laakiin diyaaraddan ay xukuumadda Soomaaliya cabashada ka gudbisay oo sidday siyaasiyiin Soomaali ah ayaa jebisay amarkaas, oo si toos ah ugu degtay Kismaayo.
Dawladda Soomaaliya dhambaalka ay u dhiibtay danjiraha Kenya waxa ay ku sheegtay in ay si weyn uga soo horjeeddo xadgudubkaas Kenya, isla markaana aanay aqbali dooninin in lagu xadgudbo hawadeeda, baddeeda iyo xuduudkeeda dhuleed midna. Waxa aanay dawladda Kenya ka dalbatay in ay jawaab ka bixiso xadgudubkan.
Dawladda Soomaaliya ayaa hadda qaaday xayiraadda saarnayd garoonka Kismaayo, waxa aanay taasi suurtagelisay in madaxweyneyaal hore, madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin kala duwani tagaan Kismaayo si ay uga qaybgalaan xafladda caleemo-saarka.






