https://www.premierbank.so/

Somaliland ayaa shaacisay in 3 qof oo cusub laga helay xanuunka Corona, kuwaas oo tirada guud wakhtigan ka dhigaya 43 qof

Agaasimaha  guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland  Dr Maxamed Cabdi Xargeeyye ayaa sheegay in dadkaasi laga helay xanuunku ay kala yihiin 2 nin iyo hal gabadh,kuwaas oo wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa.

Agaasime Xargeeyye oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu sidoo kalena sheegay in wakhtigan ay xaalad karantiimayn ah ku jiraan 64 qof.

Waxaana uu xusay on 24-kii saacadood ee u danbeeyey ay xuduudaha dalka kasoo gudbeen dad gaadhaya 2536 qof, dhamaantoodna laga hubiyey inay leeyihiin astaamaha xanuunka Coronavirus.

Dr Xargeeyye waxa uu bulshada ugu baaqay inay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo soo jeediyo, sidoo kalena ay ka fogaadaan wax kaste oo fududaynaya inay qaadan xanuunka.

 

 

https://www.premierbank.so/