Shirkadda Ethiopian Airline ayaa baadhaysa cabashada arday Soomaali ah
Shirkada duulimaadyada diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline ayaa ka
jawaabtay cabasho kasoo yeedhay dhalinyaro Soomaali ah oo shaqo ka raadsaday,
balse sheegay in ay caddaalad darro wayn iyo gacan bidixayn kala kulmeen
imtixaan ay u galeen boosas ka banaanaaday shirkadda, gaar ahaan waaxda
duuliyeyaasha.
Maareeyaha shirkada Diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline mudane
Tawadhat Minu Maryam ayaa sheegay in cabashada dhalinyaradani ay soo gaadhay
xafiiskiisa, islamarkaana ay ka wadahadleen hogaanka dawlad degaanka Somaalida
iyo gudoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka mudane Axmed Shide, oo isla
markaana ah wasiirka maaliyadda dawladda fadaraalka ah ee Itoobiya.
Maareeyaha diyaaradaha Itoobiyan Airline oo khadka telefoonka kula
hadlay telefeeshinka dawlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in kiiskan ay u
saarayaaan guddi xaqiiqo raadis ah oo baadhis ku samaysa, sida ay wax u
dhaceen, waxii natiijo ahna ay la wadaagayaan warbaahinta.
30 dhalinyaro Soomaali ah oo dhammaystay jaamacadda Jigjiga ayaa
ka mid ahaa dadkii tartanka u galay kaalinta duuliyenimo ee ka bannaanayd
shirkadda Ethiopian Airline. Afar ka mid ah dhalinyaradaas ayaana ka soo gudbay
wareeggii koowaad ee imtixaanka, laakiin sida ay shirkaddu shaacisay waxa ay ku
hadheen wareeggii labaad ee waraysiga tooska ah ahaa. Afartan arday ayaa saluug
ka muujiyey sheegashada shirkadda ee ah in ay hadheen, waxa aanay ka cawdeen in
ay cadaalad darro weyn la kulmeen.
Waxa kale oo ay
dhalinyarada Soomaalida ahi cabashadooda ku sheegeen in ay masuuliyiinta
shirkadda Ethiopian Airline kala kulmeen habdhaqan uu ka muuqday faquuq, isir
nacayb iyo bahdilaad, iyaga oo dawladda Federaalka ah ugu baaqay in ay arrinkooda
hoos u eegto. Iyo in deegaannada kala duwan ee dalka si caddaalad ah loogu
qaybiyo fursadaha shaqo ee ka bannaanadaaha laamaha dawladda.