https://www.premierbank.so/

Sheekh aadan siiro oo kamid ah culimada waa way nee Somaliland ayaa ka dayriyey xaaladda wakhtigan uu marayo dalka Somaliland.

Sheekh Aadan Siiro oo salaaddii ciidda kadib shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland laga leexiyey dariiqii saxda ahaa ee lagu heshiiyey markii la aasaasayay. Waxaana uu xusay in madaxwaynaah Somaliland uu qayb ka yahay dhibaato kaste iyo qalad kaste oo ka dhaca Somaliland madaama oo uu yahay hogaamiyaha dalka,balse rtaas badalkeeda taladii oodhan ay kusoo ururtay madaxwaynaha sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Aadan Siiro oo tibaaxaayya dhibaatooyinka dalka ka taagan ayaa sheegay in lagu kala tagay dhulkii danta guud ahaa, golayaasha baarlamaanka iyo deegaanada Somaliland ay sharci darro kuraasta ku fadhiyaan sidoo kalena meel kasteba uu tuullan yahay xashiish iyada oo mlagu guda jiro wakhti cabsi ah oo la xidhiidha xanuunka Coronavirus,arrimahaas oo dhamina ay ku xidhan yihin hagaajintooda madaxwaynaha.

Dhinaca kalena Sheekh Aadan Siiro waxa uu madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay inuu badaiyo wadatashiga islamarkaana iska fogeeyo dadka aan waxba u sheegayn soona dhawaysto aqoonyahanka iyo cid kaste oo fikrad saliima haysa si dalka loo badbaadiyo.

Waxaana uu sdoo kalena soo bandhigay waxyaabah loo baahan yahay in la sameeyo si loo horumariyo qaranka somaliland

 

 

https://www.premierbank.so/