Shacabka Somaliland oo ku kala duwanaaday in Farmaajo yimaado Hargeysa
Dareenka Baraha Bulshada ee Shacab ka Somaliland
Muniir Axmed Cigaal
Madaxweynaha Muuse Biiix iyo Xukuumaddiisa tallo ka balaadhan sida uu Hadda wax u wado ayaa fiican inoo ka hawl galo. Ummadda wax garadkeeda ha la tashado haddii kale Cimriga Xukunkiisuna sii raagi maayo cadaawad Dawlado gaadhsiisana gunta ayuu u fadhiisanaya. Tallo Qaran inuu ku dhawaaqo ayaa la gudboon.
https://www.facebook.com/mohed.ahmed.56/posts/10158092695988535
Sahra-Kiin Kaahin
Farmaajo inuu Hargeysa yimaado waxba soo kordhinmayso. Liidnimo ayey ku tahay ummad 30 sanno dabranayd oo jiritaankooga iyo gobonnimadii llixdankii ay sameeyeen iyo dhibkii ka danbeeyey ee loo gaystay ugu yaraan qiraal iyo ka garaabisba loo quudhin.
Mudane Madaxweyne Muusow marna noo caayimaysid marna noo keenimaysid. Haddii qabkayagii yo rejadayadii hore loogu cayaaray wixii intaa ka danbeeya oggolaan mayno. Mustqbalka waddankana anagaa leh. Waxa halkaa ina dhigay waa kolba Go’aan caadifadaysan oo la iska gaadho oon guntiisa la hubin.
Laaca argataye laaga ma ogtahay!!
https://www.facebook.com/sahrakiin.kaahin/posts/10158542851533484
Mubaarak Ibraahim
Anigu Inuu Farmaajo hargaysa yimaado aad iyo aad ayaan usoo dhaynaya shirkii Adis ababana waxaa lagaga wada hadlay Qadiyada ay ku heshiiska yihiin Erataria iyo Ethiopia iyo Somalia ee ah in la medeeyo sadexda dal wixi khilaaf dhexdooda ahna la dhameeyo midnimada Sadex dalna ay tahay lama taabtaan
https://www.facebook.com/mubaarik.ibraahin.7/posts/664904647582074
Yusuf Cabdi
Imaatinka farmaajo ee hargeysa( haddiiba uu dhab noqdo) ma aha go’aan uu isagu leeyahay ee waxa dabada ka riixaya dawladaha reergalbeedka oo maraykanku hormuud u yahay waxaanay iska soo hormariyeen dawladaha khaliijka qaarkood iyo Ethiopia, ujeedaduna kama foga arrimo dhaqaale gaar ahan shidaalka, farmaajo isba wuu ogyahay in aanu hargeysa iman karine waa la soo kallifay, waxase ka fiicnaan lahayd inuu raganimadiisa ku yimaaddo, waxaan qabaa in la soo dhaweeyo sidii dhaqanku ahaan jiray, laakiin runta la qaniinsiiyo, dhinaca kale waxa aad u suuragal ah in arrintaasi kala saarto somalilander-ka rasmiga ah iyo kan ku gabbanaya ee boodhka isku qarinaya, bal aan dhawrno waayaha!!!
https://www.facebook.com/permalink.php?story_fbid=3221087991252637&id=100000544038922
Maxamed CIsmaan (madaxweynaha Mustaqbalka)
Imaanshaha farmaajo wuxuu soo gaabinayaa hogaaminta madaxweyne muuse ee jamhuuriyada somaliland.
Shacabka jamhuuriyada somaliland waxaan leeyahay mas’uulkii kasoo bixi waaya shaqadiisa wuu tagi, balse qarankan wuu jiri haduu alle idmo.
Balse golayaasha qaranka ayaynu ka warsugaynaa talaabada ay ka qataan go’aanka madaxweyne muuse.
https://www.facebook.com/103886126612890/photos/a.159750074359828/1119002341767925/