Sh. Shaakir oo ku baaqay Gole weyne Soomaaliyeed oo ka talobixiya Doorashooyinka Gobolada
Madaxwaynaha ay ururka Ehlu Sunna u doorteen madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa markii ugu horeysay dawladda fadaraalka ah ee Soomalaiya,dawlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay in la dhiso gole wayne loo dhan yahay oo u xil saaran nidaamka fadaraalaynta,dimuqraadiyada iyo doorashooyinka gobolada ilaa inta uu dalka Soomaaliya ka helayo xasilooni siyaasadeed oo degan.
War-saxaafadeed Isniinta 17 Febarwari kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa sidoo kalena lagaga digay in ciidamada ay tababareen dawladaha Maraykanka ee Turkiga ee lagu magacaabo Gorgor Iyo Haram-cad loo adeegsado cabudhinta shacabka iyo dano siyaasadeed oo gaar ah .
Madaxwaynaha Ehlu Sunna u dooratay Galmudug waxa uu intaasi ku daray war-saxaafadeedkiisa in xaaladda Galmudug ay wakhtigan u muuqato mid dib loogu beerayo Al-shabaab deegaanadii laga xoreeyey ee Galmudug,taasina ay tahay arrin aanay marnaba aqbalayn Ehlu-sunna, isaga oo bulshada Soomaaliya iyo ta dawlad goboleedka Galmudugba u sheegay in dawladda fadaraalka ah ee Somaliya ku fashilantay in la dhiso maamul Galmudug oo loo dhan yahay ,taas badalkeedana ay dhisatay maamul ay iyadu wadato,ujeedada koowaad ee ay ka leedahayna ay tahay in madaxda hadda ee Somaliya ay dib ugu soo noqdaan doorashada la filayo inay Somaliya ka dhacdo sanadka 2021.
Doorashooyinka 2021 Ayuu Sheegay In Ay la mid noqon doonto tan Galmudug haddii aysan beesha caalamku dadaal cusub oo arrinkan wax looga badalayo la imaan.