https://www.premierbank.so/

SAYLICI: Fagaare Caalami ah halagu qabto Wadahadallada Somaliland & Somalia

CBATV – Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa sheegay in Somaliland ay Beesha Caalamka ka la’dahay in ay  goob fagaare ah ku dhagaystaan dhibaatooyiinka dhexyaala Somaliland iyo Somaliya, garta ay wadato Somaliland iyo waliba sababaha ay uga go’een Somaliya inteeda kale.

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Somaliya muddo 30 Sanno ah, beesha caalamkana ay ka rabaan in ay goob fagaare ah ku dhagaystaan garta Somaliland iyo Somaliya labadaba,sidoo kalena Khayraadka iyo dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixiyaanna ay si siman oo daacad ah ugu qaybiyaan labada shacab sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaasi ku daray in sababta ay Somaliya u joojisay wada hadaladii u dhaxeeyey ay tahay inay donayaan in ay qol madow la galaan Somaliland,iyaga oo ku andacoonaya in Somali ay wada yihiin si aanay wax natiijo ahi uga soo bixin,arrintaasna aanay marnaba dhacayn ,wax aaminaad ah oo Somaliland ay u hayso Somaliyana aanay jirin wakhtigan.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa dhinaca kalena mar uu ka hadlayay kulankii xafiiska raysal wasaaraha itoobiya ku dhex maray madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somaliya waxa uu sheegay in dawladad Itoobiya ay tahay saaxiibka ugu dhaw ee Somaliland,islamarkaana uu aamisan yahay in dadaalada isku soo dhawaanshaha ah ee uu raysal was are Abbiy Ahmed wadaana ay tahay mid u muuqata niyad wanaag,balse marnaba aanu wax xumaan ah la doonayn Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo hadal ka jeedinayay xuska sanad guuradii 38-aad ee wakhtigii dhagaxtuurkii dhalinyaradii UFFO ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ugu baaqay in arrinta Somaliland iyo Somaliya uu gogol u sameeyo si uu gartooda u dhagaysto,balse aanay marnaba macquul ahayn in iyada oo aan wali wax wada hadal ah la furin in uu magaalada Hargeysa yimaado madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,hadii ay taasi dhacdona ay Somaliland dib ugu noqonayso wax uu ugu yeedhay Burbur.

Ugu Danbayna madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa dhalinyarada Somaliland usoo jeediyey in ay aaminaan dalkooda islamarkaana aanay marnaba u hanqal taagin Soomaaliya oo uu sheegay in ay dayacan yihiin dhalinyaradoodii sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/