https://www.premierbank.so/

Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Sanaag. Wasiirka waxaa kormeerkan ku weheliyay maamulka gobolka ee Wasaaradda Waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirku waxa uu u kuur galay habsami-u-socodka shaqada, hawlaha maamulka, iyo adeegyada waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fuliso gobolka.

Markii uu kormeerku soo dhammaaday, Wasiirku waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka, shaqaalaha, iyo kormeerrayaasha Wasaaradda ee gobolka Sanaag. Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay xoojinta maamulka, tayeynta adeegyada waxbarasho, iyo sidii loo horumarin lahaa hawlaha waxbarasho ee gobolka.