https://www.premierbank.so/

Roobab Khasaare Nafadeed Gaystay Oo Ka Da’ay Muqdisho

Mogadishu – CBATV – Magaalada muqdisho waxaa 48-dii Saac ee la soo dhaafay ka da’ay roob Xoogan oo saameyn ku yeeshay Dadka  ku Nool Xafaadaha kala duwan ee Magaalada  Haba Ugu Badnaadeen Kuwa Danyarta ah ee Barakacayaashu ay ka mid yihiin

Raabka ka da’ay muqdisho waxa uu sidoo jaray wadooyin Badan Oo Hal bowle U Ahaa isku socodka Dadka Iyo  Gaadiidka.

Demadda Hodan Ee Gobolka Banaadir Oo Ka Mid ah Meelaha Uu Saamaynta Badan Ku Yeeshay Roobkii Ugu Dambeeyay Ee Xalay Ka Dagay Muqdisho Waxa Ku Geeriyootay Labo Qofood Oo Midi Ay Hawenay Tahay  Waxaana Dad Ku Sugan Demadaasi ay Codka Bariga Afrika U Sheegeen In Mid dadka Geeriyoday Oo Rag ahaa Uu Ka Dhacay Moota Bajaaj Bayaha Dhaxmaraysay  Isla markaan Uu Gaari caasi ah jiiray sidaasna uu u geeriyooday

Sidoo Kale Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir  Waxaa Guri Ay Daganaayeen Uu Ku Soo Dumay Qoys Kamid ah Barayaasha Ku Nool Muqdisho Oo Deegaanasanay Dhismaha Wasaaradii Hore ee Arimahha Guddaha Soomaaliya Oo Burbur Xoogani Uu Ka Soo Gaaray Dagaaladii Sokeeye Ee Muqdisho Ka Dhacay Inkastoo ay qoyskaasi soo gaarin wax khasaare Nafeed ah

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda  dhibaatooyinka bini’aadannimo  ee ay sababeen  roobabka ka da’ay Muqdisho

Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada.

https://www.premierbank.so/