https://www.premierbank.so/

Reer Hargeysa oo ka cabanaya waddo xumo iyo biyo fadhiya

Qaar Kamid Bulshada Ku Dhaqan Xaafada Guryo Samo Ee Degmada
Maxamuud Haybe Ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Wado Ay Xidheen maamulka Dowlada
Hoose islamarkana khasaare gaadhsiisay guryahoodi iyo beerahooda iyagoona ka
diriyey in goobahaasi oo biyo fadhisin noqday inay xanuuno ka dilaacay hadii
aan si degdeg ah wax looga qaban.

Maxamuud Maxamed Cali Oo Kamid Ah Odayaasha Xaafada Oo  La Hadlay Codka Bariga Afrika Ayaa U Sheegay
In Dhibaatada Kaliya Ku Koobantahay Dadka Danyarta Ee Xafadan Degan Oo
Roobabkii Kala Danbeyey Waxyaalo U Gaysteen Guryahoodii Iyo Beerahoodii Waxanu
Sheegay In Dad Ganacsato Ah Ay Dowlada Hoose Sharci Daro Ku Siisay Inay
Dhistaan Oo Ay Xidhaan Wadaadii Biyaha Roobku Marayay Taasina Ay Keenay Inuu
Biyihii Guryahoodu Usoo Galaan.

Raxma Adan Ismaacil Oo Kamid Hooyooyinka Ku Nool Xafadan
Ayaa Codka Bariga Afrika La Wadagtay Dhibaato Ay Sheegtay Inay Kala
Kulanto Wakhtiyada Roobabka Oo Ay Guriga Cuntada Ugu Kariso Caruurteeda Aanay
Dibada U Bixi Karin Sababo La Xidhiidh Biyo Xoog Badan Oo Guriga Dibadiisa
Tagan Waxan Sheegtay Inay Wakhtiyadaana Inan Awoodin Inay Caruurteedu Iskuulka
Aadaan Oo Ka Cabsi Qabto Inuu Waxyeelo Ay Kala Kulmaan Taasi Oo Sheegtay Inay
Sabab U Tahay Dariiqii Biyuhu Mari Jireen Oo Laga Xidhay Siday Hadalka Udhigtay

Cabdiraxmaan
aadan sheekh maxamuud ayaa isaguna waxa u dhinaciisa sheegay in biyaha meesha
fadhiyaan ay noqotay haro wayn islamarkana ay qarka u saartantahay in xanuuno
laga qaado wxanu sheegay in arintaasi masuuliyada darada haysta dowlada hoose
ay tahay waxanu sheegay in dadkan ay yihiin muwadin cashuur bixiyayaal ah
hadana aan cabashadooda la dhagaysan.

Mudane cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha somaliland ka codsaday inuu si degdeg ah u kala diro golaha deeganka caasimada hargeysa oo uu sheegay in dhib mooyee aanay bulshadu dheef ku qabin islamarkana ay muhimtahay in meesha la dhaafiyo si kuwa kale loo keeno sida u hadalka u dhigya.

https://www.premierbank.so/