https://www.premierbank.so/

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Faransiiska Uga Qayb Gelaya Kulan Sannadeedka Madasha Nabadda Paris

Muqdisho, Axad, Nofeembar 10, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa
looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota
dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan
Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan
ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa
Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu
kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.

Xafiiska Raysal-Wasaaraha.

https://www.premierbank.so/