https://www.premierbank.so/

Qalka Sare Ee Itoobiya Ayaa Guddoomiye U Doortay Aadan Faarax Ibraahim

Hadda Ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Deegaanka Soomaalida Ee Dalka Itoobiya, Isagoo Horay U Soo Qabtay Xilka Maayarka Ismaamulka Diridhaba Iyo Xilal Wasiirnimo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Itoobiya Adam Faarax Ibraahim Ayaa Beddelay Guddoomiyihi Hore Ee Golaha Kheyriya Ibraahim Oo Xilka Maalmo Ka Hor Iska Casishay Kana Soo Jeeda Deegaanka Gobolka Tigrayga Oo Aanu  Haatan Wanaagsanayn Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Dawlada Federaalka Ah Ee Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim Ayaana Lagu Doortay Kafadhiga 5-Aad Ee Golaha Federeeshiinka (Aqalka Sare) Ee Dalka Itoobiya Uu  Yeeshey Arbacadii Waxaanu Ku Guulaystay Cod Aqlabiyad Ah Oo Ay Qaadeen 153 Xubnood Ee Uu Ka Kooban Yahay Aqalka Saree Ee Itoobiya.

Waxaana Dhanka Kale Ka Degay Isla Markaana Si Iskii Ah Isku Casilay Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Itoobiya Maxamed Rashiid Xaaji Kaasi Oo Ka Soojeeda Deegaanka Soomalida Maadaama Aanu Sharciga Itoobiya

Dhigayn In Labada Masuul Ee Ugu Sareeya Ay Kaso Wada Jeedaan Hal Maamul Deegaan

Waxaanu Masuulkani Noqonayaa Soomaaaligii Ugu Horeeyey Ee Gaadha Masnabka Xilka Gudoomiyaha Aqalka Saree E Baarlamaanka Itoobiya.

Mansabka Gudoomiyaha Loo Doortay Shaqsigan Somaliga Ah Waxa Dhawaan Iska Casishay Khariya Oo Ahayd Gudoomiyihii Hore Ee Qalka Saree E Baarlamanka Ka Dib Markii Ay Sheegtay In Dalka Itoobiya Ay Qabsadeen Waxa Ay Ku Tilmaamtay Koox Gaara Oo Sharciyadii Itoobiya Dhanka Ay Doonaan U Dhiganaya.

Waxa Xusid Mudan In Dhamaan Somalida Dalka Itoobiya Ay Ku Leeyihiin Aqalka Saree E Somaliya Mudanayaal Dhan Lix Xubnood Oo Kaliya Aqalka Sare Oo Ka Kooban Tiro Dhan 153 Xildhibaan.

Itoobiya Waxaa Ka Jirta Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Dhalatay Doorashada Dib Loo Dhigay, Waana Sababta Ay Isu Casishay Gudoomiyihii Hore Ee Aqalka Sare Ee Dalkaasi Kahor Doorashada Maanta

https://www.premierbank.so/