https://www.premierbank.so/

Nabadoon ku geeryooday Muqdishu, dhaawac kasoo gaadhay Jubbaland bishii hore

Waxaa
arbacadii 2-da Oktoobar magaalada Muqdisho ku geeriyooday nabaddoon Garyaqaan
Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee deegaanka
dawladgobaleedka Jubaland.

Nabadoonka
ayaa 13-kii bishii Sabtembar dhaawac culus oo cidda ka dambaysay madow badani
ku jiray lagu soo gaadhsiiyey magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad gobaleedka
Jubaland, xilligaas oo ay meel aad u sarraysa marayeen xiisadaha weli
cawaaqibkoodu taagan yihiin ee ka dhashay doorashadii madaxweynaha
dawladgobaleedka.

Nabadoonku
waxa uu ka mid ahaa dhowr madax dhaqameed oo bilihii u dambeeyey magaalada
Kismaayo loogu dilay sababo loo malaynayo in ay xidhiidh la leeyihiin xiisadaha
siyaasadeeed ee intii doorashada ka dambaysay ka taagan Kismaayo.

Alle ha u naxariisto
ee nabadoon Qalyar oo ka mid ahaa odayaasha sida aadka ah u dhaliila
madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Madoobe iyo dhimashadii Sildaan Dhuurre oo
ka horreeyey ayaa ay xukuumadda Jubaland la xidhiidhisay ururka Alshabaab,
laakiin marxuum Qalyar eheladiisa oo hadlay ayaa iyagu eedda saaray madaxweyne
Axmed Madoobe iyo xukuumaddiisa, arrintaas oo kala shaki badan abuurtay.

https://www.premierbank.so/