https://www.premierbank.so/

Mustafe Cagjar oo ka hadlay Shiidaalka deegaanka iyo Afka-Soomaaliga.

Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku guulaysatay in dood lix bilood socotay kaddib ay dawladda Federaalka Itoobiya ku qanciso in uu deegaanka Soomalaidu uu saami boqolkiiba 50 ah ka helo shidaalka laga soo saaro dhulkiisa.

Madaxweynaha oo ka hadlayey kulan uu la qaatay masuuliyiinta iyo aqoonyahanka ka qaybgalayey shirka caalamiga ah ee cimilada oo ka socda magaalada Jigjiga ayaa sheegay in dawladdiisu ay sida oo kale dadaal adag ugu jirto wax badanna ay ka qabatay soo celinta sharaftii isirka Soomaaliya, waxa aanu sheegay in dawlad deegaanku ay xidhiidh fiican la yeelanayso Soomaaliya iyo in ay dawladda Itoobiya ku qancisay in ay qirto Soomaalinimada deegaanka, arrintaasna uu raysalwasaaraha Itoobiya qudhiisa oo deegaanka imanayaa sheegi doono.

Madaxweyne Mustafe waxa uu sheegay in hadda ay ku hawlan yihiin sidii afka Soomaaliga looga dhigi lahaa af rasmi ah oo shaqo, arrintaas dhaqangelinteeduna meel fiican ay u marayso.

Mudane Cagjar ayaa sidoo kalena tilmaamay in xukuumadiisu ay dagaal adag ka gashay xakamaynta iyo dabargoynta musuq-maasuqa, arrintaas oo hore deegaanka u ragaadisay, dawladihii horena ay lunsatay malaayii doolar oo ku jiray miisaaniyadda laakiin aan la garanayn meel ay martay.