https://www.premierbank.so/

Maraykanka oo Safaarad ka furtay Magaalada Xamar

Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay markii ugu horreysay muddo 28 sano ah dib u yagleelayso safaaraddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa Arbacadii 2-da Oktoobar boggeeda Internet ka ku faafisay qoraal ay ku sheegayso in dawladda Maraykan ay ku faanayso in ay dib u hawlgelinayso safaaradda oo xidhantay Shantii bishii Koowaad ee sannadkii 1991 kii. Xilligaas oo ay halkii ugu sarraysay marayeen colaadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ee qaybta ka ahaa dagaalladii xukunka lagaga tuuray dawladdii askarta.

Safaaradda Maraykanku waxa ay warmurtiyeedkeeda ku sheegtay in muddadaas ay safaaraddu xidhayd uu Maraykanku sii wadday shaqo-wadaaggii uu la lahaa dadka Soomaaliyeed, taas oo ay ka mid ahayd in uu bishii Diisambar 2018 kii dib Muqdisho ugu soo celisay joogitaankiisii diblumaasiyadeed ee rasmiga ahaa.

Dib u yagleelidda safaaradda Muqdisho ayaa uu bayaanku ku sheegay tallaabo kale oo hore loogu qaadayo dib u cusboonaysiinta xidhiidhkii joogtada ahaa ee Maraykanka iyo Soomaaliya, iyo in ay calaamad u tahay xoogga uu leeyahay xidhiidhka labada ummadood, iyo hore-u-socodsiinta xasiloonida, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya iyo gobalka oo dhan.

Warka safaaradda Maraykanka waxaa lagu sheegay in danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto uu sheegay in maanta uu Maraykanku mar kale xaqiijinayo xidhiidhka ka dhexeeya dadka Maraykan iyo dadka Soomaalida, iyo labada qaran ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Danjire Yamamoto oo ka hadlayey dib u hawlgelinta safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxa uu sheegay in ay tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa horukaca ay Soomaaliay samaysay sannadihii u dambeeyey, iyo tallaabo kale oo uu Maraykanku hore ugu qaaday dib sharciyeynta kaalinta diblumaasiyadeed ee Maraykanku uu Muqdisho ku lahaa intii ka dambaysay aqoonsigii uu dawladda Federaalka Soomaaliay siiyey sannadkii 2013 kii.

Qoraalka Safaaradda waxaa lagu sheegay in dalka Maraykanku uu Soomaaliya u sii ahaan doono jaal xoog badan oo kala shaqeeya dadaallada Soomaaliya ee dhisidda dal xasiloon, lagu kalsoonaan karo oo dimuqraaddi ah.

https://www.premierbank.so/