Maraykanka ayaa joojiyey taageeradii dawlada federaalka soomaaliya
Degdeg: Maraykanka ayaa Soomaaliya ka joojiyay mucaawinadii
Dawladda Maraykanka ayaa si weyn u cambaaraysay warar sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay maalgelisay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, isla markaana si sharci-darro ah u qabsadeen 76 tan oo gargaar cunno ah oo loogu talagalay dad nugul.
War ka soo baxay Waaxda Kaalmada iyo Biniaadantinimada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maamulka Madaxweyne Trump uu leeyahay siyaasad aan u-dulqaadan musuq, xatooyo iyo leexsashada gargaar bini’aadantinimo.
Sidaas darteed, Maraykanku wuxuu si ku-meel-gaar ah u hakiyay dhammaan barnaamijyada gargaarka ee ay si toos ah uga faa’iidaysanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Maraykanka ayaa caddeysay in dib loo bilaabi doono gargaarka kaliya marka ay Dowladda Federaalka qaaddo tallaabooyin cad cad oo isla-xisaabtan ah, isla markaana saxdo falalka lagu eedeeyay.






