https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Muuse wuu awoodaa, Sharcina wuu u leeyahay cafinta CAARE- Xildhibaan Guurtida ah

Suldaan Ismaacil
Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida jamhuuriyadda
Somaliland ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu awood iyo sharci u leeyahay in uu
cafis u fidiyo Kornayl Care iyo jabhadiisa. Waxa aanu bogaadiyey xalkii dhowaan
ay gaadheen madaxweynaha iyo beesha uu kornaylku ka soo jeedo, oo uu sheegay in
ay arrintaas ay soo afjartay.

Xildhibaanka oo
khamiista 10 ka Oktoobar la hadlay telefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu
sheegay in madaxweynuhu uu kala doortay laba arin oo adag, isaga oo qaatay kii
u fududdaatay, shacabkuna taageereen. Sida uu hadalka u dhigay. waxa aanu ku
taliyey, in aan la nashuushiyeyn goaankaas ay madaxweynaha iyo odayaasha beesha
Kornayl Caarre ay wada qaateen.

Dhinaca kale xildhibaanka
oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa sheegay in aanu Komishanka doorashooyinku
weli u soo gudbin habraaca ay doorashadu ku qabsoomi doonto, isla markaana
aanay hor iman golahooda. Waxa se uu sheegay in aanu qabin aragtida ah in
waqtiga doorashada ka hadhay aanu ku filnayn sidaa awgeed muddo kordhin kale
loo baahan yahay.

Xildhibaanku
waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay kala saaraan qabyaaladda iyo
qaranka oo ay mar walba horreysiiyaan qaranka, in nabadgelyada la ilaaliyo iyo
in la saaro xanaftii iyo dhaliilihii kala duwanaa ee ay reebtay doorashadii
2017 kii. Sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/