https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Muuse Biixi ka qayb galay aas qaran oo dhacay Jabuuti

Madxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
gelinkii hore ee khamiista 10-ka Oktoobar socdaal ugu baxay dalka Jamhuuriyadda
Jabbuuti oo uu kaga qaybgalayo aaska Marxuum Sacad Geelle oo ahaa madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabbuuti walaalkii.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka
mid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa ka mid noqonaya
masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo deegaannada iyo dawladaha kala
duwan ee Soomaalida uga imanaya ka qaybgalka aaska marxuum Sacad oo sida oo
kale ahaa maareeyaha dekedda Jabbuuti.

Marxuum Sacad ayaa salaasadii
7-da Oktoobar ku geeriyooday magagaalada caasimadda ah ee Jabbuuti.

https://www.premierbank.so/