https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Wada Dega Gobollada Awdal iyo Salal.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada dega gobollada Awdal iyo Salal, isaga oo ku boorriyey inay ilaashadaan nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in beelahaasi ay yihiin kuwo xiriir dhow wadaaga, sida inan iyo abti, sodog iyo seedi, xidid iyo xigaal, isla markaana aanay jirin wax faa’iido ah oo colaadi keento. Waxa uu xusay in colaadda laga dhaxlo oo keliya guryo dumay, barakac, goblan iyo agoonimo.

Isaga oo ka hadlayay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Boorama, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku geeriyoodeen dhacdadaas Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey inta ku dhaawacantay in uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay in dhacdooyinkan cashar laga barto, isla markaana qof walba lagala xisaabtami doono wixii dhacay. Waxa uu ugu dambayn bulshada ugu baaqay inay Alle ka baqaan, kana shaqeeyaan nabad waarta, maadaama nabaddu tahay saldhigga horumarka iyo wada noolaanshaha ummadda.