https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Cirro oo tagay Switzerland iyo Shirka Dhaqaalaha Dunida:-

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay ka safray Hargeysa, iyadoo xukuumaddu aanay sheegin halka uu tagayo.

Laakiin galabta ayuu madaxweynuhu bartiisa facebook kusoo qoray sawirro muujinaya isaga oo raacaya diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarta ah.

Sumadda diyaaradda ayaa muujisay in Madaxweynuhu ku sugan yahay dalka Swiszerland, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shirka Dhaqaalaha Adduunka, magaalada Daavos.

Diyaaraddan Casriga ah oo sumadeedu ahay HB-ZY ayaa ka diiwaangashan dalka Switzerland, waxaana loo adeegsada safarrada gaarka ah ee dadka muhiimka ah iyadoo ka qaadda madaarka weyn waxayna geysaa goobaha shirarka caalamiga ah.