Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Adeeg Caafimaad oo Muhiim ah oo Lagu Soo Kordhiyay Isbitaalka Gabiley
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo ku guda jira maalintii 2-aad ee safarkiisa shaqo ee magaalada Gabiley, ayaa maanta dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo laga hirgelinayo magaalada Gabiley, sidoo kalena xadhigga ka jaray qaar kamid ah.
Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jaray adeeg caafimaad oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka magaalada Gabiley, kaasi oo ah mishiinka dhaliya hawada nadiifta ah (Oxygen Generator), kaas oo baahi weyn u qabay guud ahaan gobolka Gabiley.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicdani ay qayb ka yihiin qorshaha ballaadhan ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada, lana xoojiyo kaabeyaasha wax-tarka u leh baahiyaha caafimaad ee gobolka Gabiley.






