Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley
0 Comments
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo safar shaqo ku maraya gobollada galbeedka dalka, ayaa maanta gaadhay magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.
Dadweynaha Gobolka Gabiley oo si weyn isugu soo baxay, ayaa si diirran oo waddaniyad leh ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, taasoo muujisay taageerada shacabka iyo sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha.

