https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Xog-warran ah la yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole Qaran iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah oo xog-warran qaran ah la yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Madaxweynuhu waxa uu madaxda sare ee laamaha dawladdu uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan hawlaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida, arrimaha bulshada, horumarka iyo hab-sami-u-socodka siyaasadda arrimaha dibedda.

Kulankan oo ku qabsoomay jawi wada-tashi qaran ah, ayuu Madaxweyne Cirro si qoto dheer uga xog-warramay qorshayaasha xukuumaddu u dejisay nabadda, amniga, horumarinta bulshada, dedaallada ictiraaf raadinta iyo dadaallada diblumaasiyadeed ee socda, kuwaas oo uu tilmaamay in ay guul wanaagsan ku socdaan.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale warbixin ka bixiyay safarradii shaqo ee uu ku tagay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isaga oo xusay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblumaasiyadeed ee ay safaradu xambaarsanaayeen, kuwaas oo sare u qaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana xoojinaya iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo siyaasadda gobolka.

Madaxweynuhu waxa uu madaxda sare ku bogaadiyay doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta sharciga, dimuqraadiyadda iyo hufnaanta hay’adaha qaranka.

Dhankooda, Shir-guddoonka Labada Gole Qaran iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay hannaanka la-tashiga joogtada ah iyo daah-furnaanta uu ku hoggaaminayo dawladnimada, iyaga oo xusay in wadashaqeynta noocan ahi kor u qaadayso kalsoonida hay’adaha qaranka iyo mideynta go’aan-qaadashada qaran.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar iyo xasillooni siyaasadeed oo ku saleysan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo hufan iyo iskaashi hay’adaha qaranku leeyihiin.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland