https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la yeeshay Lord Mayor-ka Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska (UK)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Lord Mayor-ka Magaalada Sheffield, Marwo Safiya Saeed (Safiya Berberaawi), oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga horumarineed, iyo wadashaqaynta labada dhinac, gaar ahaan Somaliland iyo magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu Marwo Safiya Saeed uga mahadnaqay booqashada ay ku timid Somaliland, isagoo xusay kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield ku leeyihiin horumarka dalka. Sidoo kale, waxa uu ammaanay doorka ay bulshadaasi ka qaataan sidii ay u noqdeen biriij isku xidha Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyaga oo mar walba difaaca qadiyadda iyo jiritaanka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in magaalada Sheffield ay ahayd tii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee si cad u muujisa taageerada ay u hayso aqoonsiga Somaliland sannadkii 2014, taasoo ahayd tallaabo geesinimo leh oo dhiirrigelisay in magaalooyin kale oo waaweyn oo ku yaalla UK ay iyaguna taageeraan qadiyadda Somaliland.

Dhankeeda, Marwo Lord Mayor Safiya Saeed ayaa uga mahadnaqday Madaxweynaha soo dhaweynta diirran ee ay kala kulantay Somaliland. Waxa ay hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay wadashaqaynta dhinacyada horumarka, waxbarashada iyo iskaashiga bulshada. Waxa ay si gaar ah u xustay kaalinta haweenka ee dhismaha Qaranka Somaliland, iyada oo ku boorrisay in kor loo qaado ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka dawladda.

Marwo Safiya Saeed waxa ay ballan qaaday in Golaha Deegaanka ee Sheffield ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan qadiyadda Somaliland, isla markaana ay adkayn doonaan xidhiidhka wada-shaqayneed ee labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland