https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la yeeshay Ganacsatada iyo Jaaliyadda ku nool Imaaraadka Carabta


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ganacsatada iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi.


Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ganacsatada iyo jaaliyaddu ku leeyihiin horumarka dalka, maalgashiga iyo kor u qaadidda sumcadda wanaagsan ee Somaliland caalamka.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in bulshada reer Somaliland ee ku nool Imaaraadku yihiin laf-dhabarta xidhiidhka dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo maalgashi ee labada dal ka dhexeeya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorkooda firfircoon uu si weyn uga muuqdo kobcinta ganacsiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha qaranka.


Madaxweynuhu waxa uu ganacsatada iyo jaaliyadda ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan maalgashiga gudaha dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, warshadaha iyo adeegyada bulshada. Waxa uu tilmaamay in maalgashigooda uu yahay tiir lagama maarmaan u ah koboca iyo mustaqbalka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland