Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Qayb-galay Xuska 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xuska sannad-guurada 32-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland. Munaasibaddan ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad isugu jirtay mahadnaq, dhiirrigelin iyo guubaabo, isaga oo Ciidanka Booliska JSL si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan, iyo doorka taariikhiga ah ee Ciidanka Boolisku ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ku bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Ciidanku ku tallaabsaday muddadii kooban ee ay Xukuumaddu jirtay.
Sidoo kale, waxa uu xusay in Ciidanka Booliska JSL uu yahay saldhigga nabadda aynu ku fadhino, ku seexanno kuna soo toosno, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciidanka Boolisku yahay laf-dhabarta dawladnimada iyo astaan muujinaysa adkaysiga iyo midnimada Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddiisu ka go’an tahay tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Booliska JSL, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amni iyo bulsho ee isbeddelaya, si ay awood buuxda ugu yeeshaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ilaalinta sharciga, nabadda iyo hantida shacabka.
Munaasibadda xuska 32-guurada aasaaska Ciidanka Booliska JSL waxa iyaguna ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan; Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab; iyo Hoggaanka Hawlgelinta, Mudane Ibraahim Xaaji Cabdi. Dhammaantood waxay Ciidanka Booliska uga xog-warrameen arrimaha muhiimka ah ee u qabsoomay muddadii ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo waxqabadkooda.
Sidoo kale, waxay si weyn ugu ammaaneen shaqada adag ee ay Ciidanka Boolisku Qaranka u hayaan, iyaga oo bogaadiyey geesinimada, daacadnimada iyo dedaalka ay muujiyeen si ay u sugaan amniga iyo nabadda dalka.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Booliska JSL ku booriyey in ay sii wadaan hawlkarnimada, daacadnimada iyo waddaniyadda ay ugu adeegayeen Qarankooda muddo 32 sano ah, isaga oo shacabka nabadda jecel ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan Ciidankooda Booliska.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland






