Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Gabiley
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay weheliyaan weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay, ayaa maanta—maalinta labaad ee safarkiisa shaqo ee magaalada Gabiley—dhagax-dhigay garoon kubadda cagta ah oo casri ah oo laga hirgelinayo magaalada Gabiley.
Garoonkan cusub ayaa noqon doona mid lagu qaban karo tartamada heer qaran iyo heer gobol, isla markaana dabooli doona baahida dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha ee gobolka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasibadda dhagax-dhigga garoonka ayaa xusay in ciyaaruhu yihiin awood mideysa bulshada, kobcisa caafimaadka, dhiirrigelisa kartida dhallinyarada, kana qeyb qaata dhismaha waddaniyadda iyo isdhexgalka bulshada Somaliland.
Bulshada magaalada Gabiley ayaa si diirran u soo dhoweeyay mashruucan, iyagoo ku tilmaamay mid waxtar u leh dhallinyarada, korna u qaadi doona magaca iyo sumcadda gobolka.






