https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta gurigiisa ku booqday Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Madaxweynuhu waxa uu Mujaahid Boobe ka xog-waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo Alle (SWT) uga baryay inuu siiyo caafimaad waara iyo caafimaad dheeraad ah.

Booqashadan uu Madaxweynuhu ugu tagay mujaahidka, qoraaga iyo wasiirkii hore ee warfaafinta, Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, waxa ay muujinaysaa dareenka iyo daryeelka uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u hayo haldoorka iyo dadka taariikhda ku leh halgankii iyo dhismaha Qaranka Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH