Ujeeddada shirkan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaale ee Dowladda Imaaraadku la leedahay dalalka Afrika, si loo abuuro maalgashi waara oo istaraatiiji ah.
Sida ay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) ka soo xigatay mareegta rasmiga ah ee shirkan, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku yahay abaabulaha rasmiga ah ee kulankan caalamiga ah, kaas oo lagaga doodi doono arrimo ay ka mid yihiin maaliyadda, hal-abuurka dhijitaalka ah, iyo maalgashiga istaraatiijiyadeed.
Warka ayaa sidoo kale xusay in wufuudda ka qaybgalaysa Doodda Afrika iyo Imaaraadku ay heli doonaan fursado ay si toos ah ula macaamilaan maalgashadeyaal iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan suuqyada Afrika iyo Imaaraadka Carabta, si ay u helaan aragtiyo qiimo leh oo la xiriira mustaqbalka ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayay madashani sheegtay inuu ahmiyad gaar ah siinayo sidii Somaliland u noqon lahayd qaran si buuxda loo aqoonsado, iyadoo lagu xurmeeyo guulaha ay gaadhay. Waxa kale oo uu diiradda saarayaa doorka ay Somaliland ka ciyaari karto nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah. Madashu waxa ay sidoo kale xustay in Somaliland ay ka go’an tahay soo jiidashada maalgashi istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan dhulkeeda.
Arrimaha mudnaanta leh ee shirweynahan lagu falanqayn doono waxaa ka mid ah:
- Xoojinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.
2. Dhiirrigelinta maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo.
3. Ka faa’iidaysiga wadajirka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo saadka, sida dekedaha, gaadiidka, iyo isku xidhka suuqyada.
4. Horumarinta Teknolojiyadda Xogta (ICT) iyo isbeddelka dhijitaalka ah.
4. Kor u qaadista wax-soo-saarka cunnada.
5. Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika.