Madaxweynaha Jabuuti oo Midowga Afrika ku eedeeyey inay u eexdeen Kiiniya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ururka Midowga Afrika ku eedeeyey in uu dalka Kenya u eexday markii uu u cugtay in uu noqdo murashaxa dalalka Bariga Afrika ee buuxinaya kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobey.
Madaxweyne Geelle oo Jimcihii 27-ka Sabtembar warbaahinta ugu warramay magaalada New York waxa uu sheegay in dalkiisu uu ka horyimi go’aankaas uu Midowga Afrika ku cugtay dalka Kenya oo laba jeer oo hore golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka mid noqday. Waxa aanu caddeeyey in dalkiisu aanu ka hadhi doonin murashaxnimada kursigan oo ay xubnaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey cod ku kala saari doonaan dalalka isu soo sharraxa.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu muujiyey in uu kalsooni ku qabo in dalkiisu uu ku guulaysan doono codayntaas, isaga oo sheegay in ay taageero ka haystaan saaxiibbada jabbuuti, rajadiisuna tahay in kursigaas uu dalkiisu ku fadhiisan doono.
Wakiillada Midowga Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta midowga ee Addis Ababa waxa ay cod ugu qaadeen dalalka Kenya iyo Jabbuuti midkooda buuxin doona kursiga golaha ammaanka, waxa aanay cod aqlabiyad ah ku doorteen Kenya oo cod aqlabiyad ah helay. Laakiin waqti yar kaddib ayaa danjiraha Jabbuuti ee Qaramada Midoobey uu shaaciyey in aanu dalkiisu ku qancin codayntaas, waxa aanu shaaciyey in Jabbuuti ay toos uga qaybgeli doonto codaynta bisha lixaad uu golaha guud ee Qaramada Midoobey ku kala saari doono dalalka Bariga Afrika ee doonaya in ay buuxiyaan kursiga aan joogtada ahayn ee kalkan looga qoondeeyey golaha ammaanka.
Maalmo kaddibna ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray war uu xubnaha ururka ku farayo in marka golaha guud codka qaadayo ay u codeeyaan dalka Jabbuuti.






