https://www.premierbank.so/

Madaxwayne Cirro ayaa Dhaqan galiyey Miisaaniyada Qaranka ee 2026-ka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran, isla markaana tixraacaya ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo go’aanka Golaha Wasiirrada, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2025, waxa uu soo saaray Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah loogu dhaqan-gelinayo Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2026.
Wareegtadani waxa ay waajibinaysaa in dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Qaranka, iyo Dawladaha Hoose ay u fuliyaan Miisaaniyadda Qaranka si hufan, isla-xisaabtan leh, masuuliyadna ku dheehan tahay, iyaga oo raacaya mudnaanta Qaranka, Shuruucda iyo Xeerarka Maaliyadeed ee khuseeya.
Wareegtadani waxa ay dhaqan-galaysaa laga bilaabo taariikhda uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah 29/12/2025.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝