https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dhaqaalah ugu badan ee Somaliland uu ku baxo arrimaha amniga

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu sheegay in xalinta colaadaha sokeeye ay Somaliland kaga baxday labadii sanno ee u danbeeyey lacag dhan 9 Milyan oo Dollar,taasina ay tahay dhaliisha ugu wayn ee Somaliland leedahay wakhtigan.

Madaxwayne Biixi oo hadal ka jeedinayay xuskii 18 May ee sanad guuradii 29-aad ee asaaska Somaliland ayaa intaasi ku daray in isku dhacaasi beeluhu uu sababeen dhimasho,barakac iyo burbur hantiyeed oo aad u badan, dhamaantood marka baadhitaano lagu sameeyeyna waxyaabahaasi oo dhan ay ku dhaceen wax fudud sida uu hadalka u dhigay.

Waxgaradka iyo madaxdhaqameedka Somaliland ayaa uu madaxwaynuhu baaq u direy.

Dhinaca kalena madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xanuunka saf marka dunida ku noqday ee Coronavirus uu saamayn ku yeeshay dhaqaalaha Somaliland. Sidoo kalena ay hakadeen mashaariic ka badan 20 oo ay ku baxaysa lacago Malaayiin dollar ah.

Ugu Danbayna madaxwaynaha Somaliland waxa uu bilado ku taxay 12 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland oo la dalacsiiyey, laguna maamuusay hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan

https://www.premierbank.so/