https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalayn wada hadal qarsoodi ah oo lala yeeshay xisbiga TPLF,

islmarkaana taasi aanay xal u nooqn doonin khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dawladda dhexe ee Itoobiya iyo deegaanka Tigreega.

Madaxwaynaha Tikreega waxa uu sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in la qabto kulan wada tashi oo heer qaran ah lagagana wada hadlay sidii khilaafkan loo xalin lahaa waxna looga qaban lahaa tabashooyinka ay qabaan deegaankooda Tikreegu.

Warkan oo soo saaray xafiiska isgaadhsiinta deegaanka Tikreegu waxa sidoo kalena  hogaanka diimaha iyo hogaamiye dhaqameedyada u kala dab qaadaya dawladda tikreega iyo dawlada dhexe oo usoo jeediey inay soo kala dhex galaan labada dhinac kana shaqeeyaan xalinta khilaafka.

Gudoomniyaha xisbiga TPLF ahna madaxwaynaah deegaanka Tikreega waxa uu intaasi ku daray in wada xaajoodka lagu xalinato khilaafka labada dhinac In laga qayb galiyo dhinacyada siyasadeed ee guud ahaan Itoobiya,balse wada hadal qarsoodi ah aanu xal u noqonayn khilaafkan cakiran sida uu hadalka u dhigay.

Madaxwyanuhu waxa uu dawladda dhexe ku eedeeyey inay dagaal ku qaadayso deegaan si iskii ah oo dastuurka waafaqsan ugu dhawaaqay inuu doorasho qabsanayo

Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagneyd khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF.

 

https://www.premierbank.so/