Heshiiskan waxa si wadajir ah u saxeexay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Mudane Maaliki Cabdi Xasan, iyo Mr. Jerry Liao, oo ah Madaxa Taiwan Technical Mission (TTM), iyagoo muujiyay in heshiiskani yahay iskaashi muhiim u ah horumarinta adeegyada dijitaalka ee dalka.
Munaasabaddan waxa goob-joog ka ahaa:
- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Axmed Carab Muuse
- Vivienne Wang, khabiir ka tirsan Taiwan ICDF
- Agaasimaha Waaxda Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mustafe Carab
- La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL.
Xaruntan cusub ee Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center), oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo Taiwan ICDF, waxay noqon doontaa tiir muhiim u ah ilaalinta, kaydinta iyo maamulka xogaha dawliga ah, taas oo yareyn doonta ku-tiirsanaanta adeegyada dibedda (Third Parties) isla markaana xoojin doonta isku-filnaanta xogeed ee Qaranka JSL.