Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan socdaalka ayaa shaaca ka qaadday in bishii Ogosto ee sannadkan 2019 ka ay kor u kacday tirada dhaqdhaqaaqyada tahriibayaasha gelaya ama ka baxaya xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya.
IOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in bishii Ogosto ee 2019 ka oo keliya ay wadarta dadka labada dhan ee xuduudaha isaga gudbay gaadhayso 29,878 ruux, taas oo macnaheedu yahay in 34% ay korodhay marka la barbar dhigyo bishii Julaay ee 2019 ka.
Warbixintu waxa ay sheegtay in Buhoodle ay ka soo gudbeen boqolkiiba 29 dadka bishaas soo galay Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aanay ahaayeen Itoobiyaan.
Marka dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland laga hadlayo waxa ay wabrixintu sheegtay in bishaas ay hoos u dhaceen dadkii ka soo gudbi jiray ama ka bixi jiray xuduudka Lawyo-caddo ee Somaliland iyo Jabbuuti, marka la barbardhigo bilihii hore. Laakiin waxaa bishaas korodhay tirada dadka soo-galaytiga ah ee magaalada Xariirad ee gobalka Awdal ka soo galaya dhinaca xuduudka Itoobiya oo ay 3km oo keliya u jirto.
Dhinaca maamul-gobaleedka Soomaaliya ee Puntland waxa ay warbixinta Qaramada Midoobey sheegaysaa in Boosaaso oo ahayd meesha socotada sharcidarrada ah ee ugu badani ay martay, in ay ka baxeen boqolkiiba 55 dadka ka tahriibka kaga baxaya Soomaaliya.
Dhinaca badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa ay warbixintu sheegtay in meelaha dhaqdhaqaaqa xuduudeed ee aadka u sarreeya laga arkay ay ka mid yihiin Caabudwaaq iyo Doolow.
Dadka bishaas Ogosto tahriibka ku baxay ayaa ay warbixintu sheegtay in ay boqolkiiba 48 Itoobiyaan ahaayeen, boqolkiiba 46 Soomaali ahaayeen, boqolkiiba 5 Jabbuuti u dhasheen, halka boqolkiiba hal keliyi ay dad dalal kale ka soo jeeda ahaayeen.
Hay’adda Qaramada midoobey ee IOM waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in bishaas dadka xuduudaha aynu soo sheegnay maray ay boqolkiiba 57 ahaayeen kuwo ka baxayey halka boqolkiiba 43 ay soo galeen. Iyada oo dadka xuduudaha Itoobiya ka soo tallaabaya ay warbixintu sheegtay in boqolkiiba 13 ay ahaayeen dad dhaqaale raadis u socda.






