https://www.premierbank.so/

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) ayaa maanta si rasmi ah u dhammaystey Tababarka Caalamiga ah ee “Train the Facilitator (TtF)” – BRIDGE, oo laba toddobaad ka socday magaalada Nairobi.Tababarkan caalamiga ah ee BRIDGE waxa uu ujeedkiisu yahay in xubnaha KDQ lagu diyaariyo inay noqdaan Khubaro Doorasho oo Caalami ah (Accredited BRIDGE Facilitators), taas oo kor u qaadaysa aqoonta iyo awoodda maamulka doorashooyinka ee Komishanka.

KDQ waxaa tababarkan ku wehelinayay Komishanka Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya (IEBC) iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda ee Kenya (ORPP), arrintaas oo xoojisay iskaashiga gobolka iyo is-dhaafsiga khibradaha wax-ku-oolka ah.

Komishanku waxa uu si weyn ugu mahadcelinayaa taageerada ay bixiyeen:

  • Netherlands Institute for Multiparty Democracy (NIMD)
  • International Foundation for Electoral Systems (IFES)
  • Xafiiska Guud ee BRIDGE,
    kuwaas oo khubaradoodu ay tababarka ku gudbiyeen aqoon qoto dheer iyo hagid xirfadeed oo qiimo leh.
    waxa uu tababarkan u arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo sare u qaadaysa awoodda iyo sumcadda hay’adda. Aqoonta iyo xirfadaha la helay waxa si toos ah loogu adeegsan doonaa horumarinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland, taas oo ka tarjumaysa sida KDQ, daneeyayaasha gudaha iyo saaxiibada caalamiga ahi ugu mideysan yihiin kor u qaadista hufnaanta, daahfurnaanta iyo kalsoonida doorashooyinka.