https://www.premierbank.so/

Kenya oo dacwad ku soo oogtay bangi lagu eedeeyey in laga saaray lacago loo diray Alshabaab

Dacwad soo oogaha dalka Kenya Nuuraddiin Xaaji ayaa sheegay in bangiga Dhaymoond tarast Baank ee magaciisa loo soo gaabiyo (DTB) laantiisa degmada Islii ee magaalada Nayroobi loo haysta dembi ah in lacago looga saaray sifo sharci darro ah loo diray soomaaliya, lagana cabsi qabo in ay u socotay Alshabaab oo u adeegsatay weerarradii Nayroobi lagu qaaday.

“Lacagtan meel aan la garanayn looma dirin, ee waxaa loo diray magaalada Jilib, oo la ogyahay in ay tahay xarunta Al-Shabaab” ayaa uu dacwad soo ooge Nuuraddiin Xaaji u sheegay xildhibaanno baarlamaanka Kenya ka tirsan.

Nuuraddiin Xaaji waxa uu sheegay in bangigan oo ah kuwa dadka lacagaha ammaahiyaa uu ogolaaday in qof macmiil ahi kala baxo lacago ka badan intii sharcigu ogolaa, kaddibna loo diray magaaladaas ku taalla koonfurta Soomaaliya. Sidaa awgeed ay laanta baadhista ee Kenya bilowday in ay ku hubiso in bangiga loo adeegsaday hawlo caawin iyo gacan qabasho u noqonaya argagaxisada.

Hadalkan ayuu xeer ilaaliyuhu sheegay mar uu isniintii 25 Feeberweri baarlamaanku ka waraysanayey sababta loo xidhay maamulihii laanta uu bangigani ku lahaa degmada Islii ee ay Soomaalidu u badan tahay.

Isaga oo intaas ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxii laantan oo lagu haysto in ay bilayska la socodsiin weyday dad macaamiisheeda ka mid ah oo toddobaad gudihii bangiga kala baxay lacago dhan 50 milyan oo lacagta dalka Kenya ah. Taas oo u dhiganta 50 kun oo doolar.

Waxa kale oo uu dacwad soo ooguhu bangiga ku eedeeyey in uu ku guuldarraystay in dembi baadhayaasha uu siiyo muuqaallada ay kamaradaha ammaanka ee bangigu duubeen, si looga tixraaco muuqaalka dadkii lacagahan xaddiga badan la baxay.

Sida uu dhigayo sharciga bangiga dhexe ee dalka Kenya qof kasta oo bangiga kala baxaya ama dhiganaya lacag ka badan 1 milyan oo shilinka dalka Kenya ah una dhigma 10 kun oo doolar, waxaa laga rabaa in uu buuxiyo xaashi caddaynaysa halka uu lacagta ka keenay, cidda la siinayo iyoujeedada ciddaas lacagta loogu dirayo.

dhaqdhaqaaqa ay xisaabta qofku maalintii samayn kartaana uu yahay hal milyan oo shilin oo keliya, kaas oo uu ku tilmaamay hab lagaga hortegeyo fal dambiyeedyada.

Dacwad soo oogaha dalka Kenya waxa uu sheegay in la wado baadhis lagu ogaanayo in lacagahaas laga saaray bangiga DTB Laantiisa Islii ee loo diray Soomaaliya iyo Suuriyalagu maalgeliyey dhaqdhaqaaqyada argagaxisada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa aanu sheegay in uu jiro tuhun ah in lacagtaas loo isticmaalay maalgelinta weerarradii badhtamihii bishii Jeenaweri lagu qaaday huteelka DusitD2 ee magaalada Nayroobi, oo ay ku dhinteen 21 ruux.

Maamulihii laantan bangiga DTB oo ah haweenay lagu magacaabo Soofiya Injoki ayaa maxkamadda la horkeenay arbacadii 20 ka feeberweri iyada oo lagu eedeeyey in ay ku guuldarraysatay in ay dhaqdhaqaaqa xisaabeed ee bangiga la socodsiiso hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta dembiyada lacagta, taas oo caawisay argagaxisada, iyo in ay soo sheegi weyday lacag dhan 34.7 milyan oo shilinka Kenya ah, oo laga saaray bangiga. Laakiin Soofiya eedahaas waa ay diiday.