https://www.premierbank.so/

Kenya oo dacwad ku soo oogtay bangi lagu eedeeyey in laga saaray lacago loo diray Alshabaab

Dacwad soo
oogaha dalka Kenya Nuuraddiin Xaaji ayaa sheegay in bangiga Dhaymoond tarast
Baank ee magaciisa loo soo gaabiyo (DTB) laantiisa degmada Islii ee magaalada
Nayroobi loo haysta dembi ah in lacago looga saaray sifo sharci darro ah loo
diray soomaaliya, lagana cabsi qabo in ay u socotay Alshabaab oo u adeegsatay
weerarradii Nayroobi lagu qaaday.

“Lacagtan meel
aan la garanayn looma dirin, ee waxaa loo diray magaalada Jilib, oo la ogyahay
in ay tahay xarunta Al-Shabaab” ayaa uu dacwad soo ooge Nuuraddiin Xaaji u
sheegay xildhibaanno baarlamaanka Kenya ka tirsan.

Nuuraddiin Xaaji
waxa uu sheegay in bangigan oo ah kuwa dadka lacagaha ammaahiyaa uu ogolaaday
in qof macmiil ahi kala baxo lacago ka badan intii sharcigu ogolaa, kaddibna
loo diray magaaladaas ku taalla koonfurta Soomaaliya. Sidaa awgeed ay laanta
baadhista ee Kenya bilowday in ay ku hubiso in bangiga loo adeegsaday hawlo
caawin iyo gacan qabasho u noqonaya argagaxisada.

Hadalkan ayuu
xeer ilaaliyuhu sheegay mar uu isniintii 25 Feeberweri baarlamaanku ka
waraysanayey sababta loo xidhay maamulihii laanta uu bangigani ku lahaa degmada
Islii ee ay Soomaalidu u badan tahay.

Isaga oo intaas
ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxii laantan oo lagu haysto in ay bilayska
la socodsiin weyday dad macaamiisheeda ka mid ah oo toddobaad gudihii bangiga
kala baxay lacago dhan 50 milyan oo lacagta dalka Kenya ah. Taas oo u dhiganta
50 kun oo doolar.

Waxa kale oo uu dacwad
soo ooguhu bangiga ku eedeeyey in uu ku guuldarraystay in dembi baadhayaasha uu
siiyo muuqaallada ay kamaradaha ammaanka ee bangigu duubeen, si looga tixraaco
muuqaalka dadkii lacagahan xaddiga badan la baxay.

Sida uu dhigayo
sharciga bangiga dhexe ee dalka Kenya qof kasta oo bangiga kala baxaya ama
dhiganaya lacag ka badan 1 milyan oo shilinka dalka Kenya ah una dhigma 10 kun
oo doolar, waxaa laga rabaa in uu buuxiyo xaashi caddaynaysa halka uu lacagta
ka keenay, cidda la siinayo iyoujeedada ciddaas lacagta loogu dirayo.

dhaqdhaqaaqa ay
xisaabta qofku maalintii samayn kartaana uu yahay hal milyan oo shilin oo
keliya, kaas oo uu ku tilmaamay hab lagaga hortegeyo fal dambiyeedyada.

Dacwad soo
oogaha dalka Kenya waxa uu sheegay in la wado baadhis lagu ogaanayo in
lacagahaas laga saaray bangiga DTB Laantiisa Islii ee loo diray Soomaaliya iyo
Suuriyalagu maalgeliyey dhaqdhaqaaqyada argagaxisada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa aanu
sheegay in uu jiro tuhun ah in lacagtaas loo isticmaalay maalgelinta weerarradii
badhtamihii bishii Jeenaweri lagu qaaday huteelka DusitD2 ee magaalada
Nayroobi, oo ay ku dhinteen 21 ruux.

Maamulihii
laantan bangiga DTB oo ah haweenay lagu magacaabo Soofiya Injoki ayaa
maxkamadda la horkeenay arbacadii 20 ka feeberweri iyada oo lagu eedeeyey in ay
ku guuldarraysatay in ay dhaqdhaqaaqa xisaabeed ee bangiga la socodsiiso
hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta dembiyada lacagta, taas oo caawisay
argagaxisada, iyo in ay soo sheegi weyday lacag dhan 34.7 milyan oo shilinka
Kenya ah, oo laga saaray bangiga. Laakiin Soofiya eedahaas waa ay diiday.

https://www.premierbank.so/